Calmadow Travel
Kusoo dhawow gobolka sanaag ee calmadow.

Calmadow
Buuraha Cal Madow waxay ku yaalaan gobolka Sanaag, gobolada bari ee Somaliland.Cal madow waxay wax yar u jirtaa magaalada laasqoray buurtaan waa buur aad u qurux badan oo markeeda hore loo dalxiis tagi jiray.Buurta dherekeeeeda waxay u dhaxaysaa 700 ilaa 800 oo mitir.waxay buurtan dhereran tahay ilaa ceerigaabo ilaa meel udhow xuduuda gobolka bari ee puntland Somalia.

Beeraha Calmadow
Beeralayda deegaanka Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay ku adagtahay suuq geynta dalagyadooda u soo baxa. Buuralaydaan oo cimilo ahaan ka duwan wadanka intiisa kale ayaa u badan dhul qabow, waxaan ka baxa dalagyo aan wadanka meelihiisa kale ka bixin sida bunka, baradhada iyo liin macaanta, tufaaxa iyo canabka, sidoo kale waxay dhaqdaan idaha iyo lo’da halka deegaanada ku xeeran laga dhaqdo geela iyo riyaha.

Cimilada Buuraha Calmadow
Waa Warbixin soo koobeysa cimiladda cajiibka ah ee deeggaanka Caanobadan oo ka tirsan Calmadow, Sanaag. Dadka degaankan ku nool waa reer guuraa, laakiin wax ay u hoydaan daaro sida dadka magaaloyinka deggan oo kale. Ciyaaro dhaqameedyo cajiib ah oo laga ciyaaro gobolka Sanaag ayaa qayb ka ah warbixinta | Caanobadan waxa ay 37 KM dhanka waqooyi Bari kaga beegantahay Badhan, waana halka casha inteeda MADOW ay ka bilaabato