mugadisho

Mogadish0

The Muqdisho that they don't show you. : Somalia

Welcome To Mogadisho

Muqdisho (Af-TaliyaaniMogadiscioCarabi: مقديشو, XamarCarabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badda Soomaaliyeed, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay Badda Soomaaliyeed kaga wareegsan tahay sadax jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas’aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Muqdisho qayb ka mid ah uu ahaa Soomaali magaalo-goboleedyada in ku hawlan shabakad ganacsi faa’iido badan xira Soomaali baayacmushtariyaasha la FoynikePtolemic MasarGreeceParthian FaarisSabaNabataea iyo Boqortooyada Roomaanka . Badmaaxiinta Soomaaliyeed ayaa adeegsaday markabkii hore ee badda Soomaaliya ee loo yaqaan ‘ sariirta’ si ay xamuulkooda u qaadaan.

Design a site like this with WordPress.com
Get started