Taleex

Taleh - Wikipedia

Magaalada Taleex waa mandaqadii ugu horeysay ee kutaal qaarada Afrika, taas oo ay Ciidamadii Ingriisku ay diyaarad ku duqeeyaan.

Waxaa illaa Iminka ka dhisan Aasaartii Qalcadihii ay ku la haayeen taliskii daraawiishtu. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuu ku guuleystey dagalkii inkiriis isagoo jabshay ciidankii guumaysiga.

Taleex waxaa la dhisay sida aan taariikhda laygu sheegay 1913kii. Waxaana dhisay ninkii dhisay sarta dheer ee #Daawad_Eyl.

Dadka taariikhda sheega waxay dhahaan markii uudhisay sarra daawad in la keenay Taleex.

Waxaa la sheegaa oo lagu xusay taariikhda in markii dagaalkii Taleex bilaabanaayay 1918-kii uu socday dhismaha Taleex.

Taas waxay muujinaysaa in dhismaha uu muddo socday.

Waxaa xusid mudan in sarta ama qalcadda Daawad iyo Taleex in lagu dhisay Caano geel. Taasna waxay keentay in uu dhismuhu raago waqti dheerna uu jiro.

Design a site like this with WordPress.com
Get started